Ku soo dhawaada walaalayaal websiteka  Alrisaala.com

Warbixinta Agoonta Soomaaliyeed

   

xarunta gabdhaha agoonta ah ee umul muuminn caaisha bint abuubakar

Xarunta gabdhaha agoonta ah ee umul muuminn caaisha bint abuubakar waxay ku taalaa xaafada xamar weyne ee magaalda muqdisho waxaana ku jira 350 gabdhoo oo agoomo waalidkood ku waayey dagaalada dalka ka dhacay

Waxaa Xarunta Gabadha maamula Saynab Sheikh Cabdi Yarrow, gabdhaha xereda ku jira waxay da.doodu u dhaxayso 7 jir ilaa 13 sano jir ,waxay daryeel ka helaan qaar ka mid ah jaaliyadaha somaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo xubno ka mid ah ganacsatada magaalada muqdisho. Gabdhaha Waxaa la siiyaa casharo ku saabsan diinta islaamka iyo tarbiyada wanaagsan iyo qeybaha kala duwan ee tacliinta aasaasiga ah oo ah qoraalka iyo farta carabiga iyo ingiriiska waxayna xerada ku heystaan nolol dheeli tiran.Marka walaalka muslimka ahoow ha moogaan agoontaas. Waxaan ka cududaaraynaa taleefan lagala xiriiro agoontaas ma hayno laakiin markaan helno ayaan idiin soo qorayna haddii rabbi idmo
.


 

 

                            Bahda alrisaala.com

                   

6/8/2008

 
 


 
 

Designed by: maamulka@alrisaala.com