|

Xarunta Agoonta wiilasha ee Lafoole
Agaasimaha Xarunta Dhalinta Agoonta ee lafoole
ayaa sheegay in dhalinta agoonta ah aysan jirin cid gar gaarta, wuxuuna sheegay inay dhinaca Caafimaadka ay hada waxooga ka jiraan, xaruntaas ayaa waxa dhinaca Caafimaadka ka taakuleeyay ICRC iyo Muslim AID.
Dib baan idinkaga soo sheegi doonaa meesha aad agoontaas kala xiriiri doontaan, haddii rabbi idmo.

Calaamada Xarunta Agoonta wiilasha ee Lafoole
Agoonta Wiilasha Lafoole Albaabka xarunta laga soo galo

Sawirkani waa marxuumkii hayn jiray Xarunta Agoonta wiilasha ee Lafoole C/qaadir Yuusuf Kaariye,waxaa la dilay taariikhdu marka ahayd 6.8.2008 ,Illaahay ha u naxariisto Aamiin,Aamiin, aamiin
Marxuum Cabdu qaadir Yuusuf Kaariye ayaa wuxuu gacanta ku hayay Xaruntii Agoonta Lafoole tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa dadka u ololeeya sidii nabad iyo nolol u heli lahaayeen dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood uu ku soo dhaweeyay xarunta uu gacanta ku hayay.
Bahda alrisaala.com
|