Ku soo dhawaada walaalayaal websiteka  Alrisaala.com

Warbixinta Agoonta Soomaaliyeed

   

Warbixin Hay’adda Kafaalo  

Hay’adda Kafaalo Welfare Organization loosoo gaabiyo [KWO] waa hay’add Soomaliyeed oo u taagan taakulaynta agoonta iyo dadka tabarta daran ee Soomaliyeed iyo kor u qaadidda waxbarashada umadda Soomaliyeed. Markaan leenahay waa hay’add Soomaliyeed waxaan ula jeednaa waa hay’add ay asaaskeeda, shaqaalaheeda iyo kaalmo bixiyayaasheeduba ka kooban yihiin dad Soomali ah kaliya. Waana hay’add uusan lahayn qabiil gaara, ama koox gaar ah ama aan laga lahayn gobol gaara, balse ka dhaxaysa dadka Soomaliyeed oo dhan, kaalmana u fidin doonta dadka ku dhaqan dhulalka Soomalidu degto oo dhan insha Allah. Taas oo ah mid mudan in lagu faano, maadaama dadka Soomaliyeed inta badan u barteen in hay’addo ajnabi ama inay dad ajnabi ah u qumaan caawimaadaha loo yaqaan gargaarka bini’aadinimada, iyada oo lawada ogsoon yahay in soomalidu karti u leedahay inay iyagu isgacan qabtaan isna caawiyaan.

Maxaa kalifay asaaska hay’addan KWO?

Waa su’aal iswaydiin mudan, laakin jawaabteeda aan kusoo koobi karno labo qodob oo aan wada dareemi karno:

Qodobka 1aad sidaan badankeen ognahay agoonta Soomaliyeed waxaa taakulayn jiray hay’addo laga lahaa dalalka Islaamka, oo kafaalo qaadi jirtay xarumo badan oo ay ku dhaqnaayeen agoon Soomaliyeed. Nasiib daro hay’addii albaabada ayaa loo xiray. Halkaasna waxaa ku dayacmay agoon Soomaliyeed oo fara badan cadadkoodu ahaa dhowr kun oo iskugu jiray gabdho iyo wiilal. Kuwaas oo aan haysan guryo ay ku laabtaan maadaama ay iskugu jireen agoon iyo rajjo. Arintaas waxay noqotay arin ku dhalisa murugo iyo naxdin dad badan oo soomali ah iyo ganacsato Soomaliyeed oo damiir Islaamnimo iyo Soomalinaba ku jiray. Kuwaas oo qaylo dhaan u diray dalka guduhiisa iyo dibadiisa.

Sidaas ayaana lagu asaasay Guddiga Taakulaynta Agoonta Soomaliyeed (GTAS). Guddigaas oo bilaabay inay dib usoo celiyaan agoontii. Halkaas oo ganacsato badan iyo dadkii Soomaliyeed ee gudaha iyo dibada deganaa damiirka walaaltinamana ku jiray bilaabeen inay kafaalo qaadaan agoon badan. Laakin laguma guulaysan in dhowrkii kun ee kala tagay dib la iskugu soo celiyo, awooda dhaqaale oo saamixi wayday awgeed. Balse Ilaah ayaa mahad leh oo sahlay in dhawr xero dib looga asaasay Muqdisho, Burco iyo Marka. Kuwaas oo aan wali u dhawayn cadadkii markii hore ay Al-Xaramayn haysay. Sidoo kalana wali ay dhiman yihiin xarumo kale ee ku yaala dalka qaybihiisa kale.

Qodobka labaad waa abaaraha iyo roobabka lixaadka leh ee ka dhaca dalka. Kuwaas oo dhib wayn u gaysta dadka soomaliyeed oo aan dhaqaale haysan ama dibad laga soo masruufin. Xattaa kuwa dhaqaalaha haysta ama lasoo masruufo aysan iska caabin karin musiibooyinkaas oo kale, balse gacmo isku tagay kaliya wax looga qaban karo.

Qodobadaas aan kor kusoo xusnay ayaa waxay sabab u noqdeen inay kulmaan rag dhalin yaro ah oo iskugu jira arday jaamacadeed iyo kuwo ka baxay iyo odayaal. Kuwaas oo isla falanqeeyeen baahida loo qabo hay’ad balaaran oo Soomaliyeed ee u istaagta arimaha agoomaha Soomaliyeed oo idil, mashaariicda khayriga ah iyo waxyaalaha waxtarka u leh bulshada Soomaliyeed sida iskuulada, goobaha caafimaadka iwm. Kulankaas waxaa lagu falanqeeyay oo la isla rog-rogay arimo badan oo taabanaya dhibaatooyinka haysta bulsho weynta Soomaliyeed. Waxaana ka mida arimahaas in dadka Soomaliyeed u baahan yihiin inay isku tashadaan. Waxaa kaloo lawada soconaa inta badan qof walba oo Somali ah oo dibada soo jira inuu kaalmo dhaqaale ama masruuf joogta ah siiyo dadka eheladiisa ah ee ku dhaqan dalka, laakin kuwa aan dibada loo soo jirin yaa kaalmeenaya? Miyaysan haboonayn dadka Somaliyeed inay iskafaalo qaadaan oo aysan ku tashan gacmo ajnabi oo laga yaabo dhibta ay kuu gaysanayaan inay ka badan tahay caawinamaadooda? Miyaanan la gaarin xiligii dadka Soomaaliyeed ay hurdada ka kici lahaayeen oo ku baraarugi lahaayeen in hay’addaha caalimga ah oo dhan ay ku dhisan yihiin dad isku tagay oo dalalkooda wax usoo qabtay, maantana maraya dalal kale inay u gargaaraan? Miyaanan haboonayn in waaya aragnimo iyo ilbaxnimo uga siyaado dadka Somaliyeed safaradii qaxootinimo oo ay soo galeen? Dadka Soomaliyeed waligood ma dad kale iyo dowladdo ayay baryayaan? Gooramayse isku filnaan doonaan? Miyaysan xaqq u lahayn oo haboonayn inay agoonta iyo dadkooda taagta daran helaan ugu yaraan waxbarashadii qofka bini’aadamka asaasiga u ahayd? Su’aalahaas oo dhan waa kuwii lagu falanqeeyay kulankii raggaas dhexmaray. Halkaas ayaana Kafaalo lagu asaasay, taas oo ah hay’add Soomaliyeed oo caalami ah. Xarunteeduna tahay magaalada Oslo. Waxayna fulin doontaa hawlaha aan kor kusoo xusnay haduu Allah idmo.

Yaa dhaqaale siiya KWO?

Sidan horay usoo magacaabnayba KWO waa hay’add Soomaliyeed oo cid aan Somali ahayn shaqo kuma laha. Sidaa awgeed tabarucayaasha hay’addan waa shirkadaha Somaliyed ee degan dalka Norway, ganacsatada Somaliyeed, dad weynaha Somaliyeed ee ku dhaqan Norway iyo Skandinavianka guud ahaan. Dadkaas oo Ilaahay dartiis wax ula baxa, kana rajaynaya Rabbi maalinta Qiyaamo inuu miizaankooda wanaaga ugu kordhiyo. Sidoo kale waxay dadkaas is wada waydiiyeen "Nin walba haduu masruufo eheladiisa, yaa kafaalo qaadaya kuwa aan ehelka lahayn?" su’aashaas oo ah mid naxdin leh, laakin mid wax laga qaban karo ah.

Acountiyada Kafaalo ee sadaqaadka lagu soo shubi karo Norway:

Agoon: 0539 4647804 Masharic: 0539 4647839

Indho-fiiqid: 0539 5449011 Ribo/Sadaqo guud: 0539 4790488

Acountiyada Kafaalo ee sadaqaadka lagu soo shubi karo Sweden:

Agoon: 8327-9,904 132 956-7 Masharic: 8327-9,904 132 957-5

Indhofiiqid: 8327-9,904 132 959-1 Ribo/Sadaqo guud: 8327-9,904 132 956-9

Faahfaahin kala xiriir websitekooda

www.kafaalo.com

 


 

 

                            Bahda alrisaala.com

                   

5/8/2008

 
 


 
 

Designed by: maamulka@alrisaala.com