Ku soo dhawaada walaalayaal websiteka  Alrisaala.com

Warbixinta Agoonta Soomaaliyeed

   

War bixin Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne

 

Goormaa la aas-aasay?

Xarunta agoontaan waxaa la aas-aasay sannadkii 1998, laga soo bilaabo xilligaas ilaa sannadkii 2003 waxaa gacanta ku hayn jiray Hay'addii Alxarameyn, oo aan kaligood ku ekeyn xilligaas balse agoomo fara badan oo wadanka ku kala baahsan gacanta ku hayn jirtay.

Sida aad la wada socotaan hay'adda Alxarameyn waxaa laga xannibay dhaqaalihii ay mashaariicda kheyri ah ku bixin jirtay oo ay ka mid ahayd kafaaloqaadida agoonta, iyadoo wadamo badan oo adduunka kuyaala gaar ahaan dunida muslimka gacan weyn ka geysan jirtay xannaaneynta agoonta.

Alxarameyn kadib yaa sii waday kafaalo qaadidda agoonta?

Markii ay Alxarameyn ka caga laabatay Soomaaliya maadaama aysan dhaqaale u hayn mashaariicdii ay ka fulin jirtay dalka, Agoonta Xarunta Ugaas Kh. waxaa soo wajahay kafaalo la'aan, waxaana markiiba u istaagay ganacsatada gobolka hiiraan gaar ahaan kuwa magaalada B/weyne oo ah halka ay ku taal xarunta agoonta ee Ugaas Khaliif, iyagoo dareemsanaa faa'iidada ay adduun & aakhiraba lee dahay agoonta oo la daryeelo lana kafaalo qaado, Qur'anka & Sunnada Rasuulka (SCW) wax badan ayey inoo bayaaniyeen inaan agoonta & masaakiinta loo darnaan waxna la siiyo.

Haddaba ganacsatadaasi iyagoo hiigsanayo dembi dhaaf Alle (SW) iyo iney Rasuulka jannada kula rafiiqaan ayey ku dadaaleen sidii ay dayaca uga ilaalin lahaayeen agoontaas, iyagoo soo gaarsiiyay dabayaaqadii sannadkii 2004 kadibna ay ku cuslaatay iney dhaqaale ku filan u helaan bil walba.

Wixii markaa ka dambeeyay walaalaha muslimiinta gaar ahaan reer hiiraan ee dibadda ku nool ayaa halkaa kasii amba qaadaan oo la wareegay gacan ku hayntii agoonta, si ay u gaarsiiyaan mustaqbal wanaagsan oo berrito naftooda anfaca, taasoo aan weli suurta gelin in loo helo kafaalo joogta ah agoon kasta, mar walbase wixii Alle (CW) u qoray ma waayi jirin, taas ayaana keentay inaan walaalaha muslimiinta soomaaliyeed xaaladadooda dhabta ah la socodsiino si ay wax uagala qabtaan.

Agoontani waxay soo martay heerar kala duwan, iyagoo waqtiyada qaar haysteen kafaalo dhameystiran sida Jiif, Cunto, Waxbarasho iyo daryeel caafimaad, halka xilliyada qaarkoodna sidaan kor kusoo xusay aysan intaa wada heli jirin.

Muxuu la'eg yahay kharash-ka ku baxa bishii?

Mar haddii dhaqaale laga hadlayo waa lagama maarmaan in la ogaado tirada agoonta ee ku xareysan X.U. ee B/weyne, tiradaas oo miisaan ama qiyaas u noqoneysa dhaqaalaha baxaya, haddaba waa 57-60 agoon ah.

Dhaqaalaha ku bixi jiray intee ahaa?

Xilligii ay hay'adda Alxarameyn gacanta ku hayn jirtay waxaa agoontan ku bixi jiray bishii kun iyo shanboqol dollar ($1500), kharash kaas oo u dhigma in agoon kasta ay ku baxdo ama ku filantahay soddon dollar ($30) ayna ka dabooleyso sida soo socota:-

A- Hoyga.

B- Cuntada.

C- Waxbarashada.

D- Caafimaadka.

E- Arad bax.

F- I.W.M.

Haddaba miyaaney habbooneyn inaad adigoo Alle ka rajeynaya inuu kaa koriyo cadaabkiisa kuna siiyo raali ahaanshihiisa (Jannatul firdowsa) aad Alle dartiis agoon kafaalo qaadid si'aad Nabiga (NNKH) jannada ugula rafiiqdid, $30 oo aad bishii Alle dartiis u baxsataa culeys maleh beer baahana wey quudineysaa?, haddii jawaabtu haa

Walaal haddii aad dooneysid inaad Agoontan lacag u dirto ama aad u xawisho waxaad ugu hagaajin kartaa saddexdaan hab kii kuu fudud oo kala ah:

Inaad toos iyaga ugu dirto adigoo raacaya sida hoos ku qoran
Qaataha
: Agoonta Xarunta Ugaas khaliif ee B/weyne
C/o
: Aadan Shariif Aamin
Telefoon
: 5510 392 B/weyn.

Ama inaad ugu dirto koontada ay Xawaaladda Amaana Dubai ku leyihiin oo ah sidan:
Qaataha
: Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne
C/o
: Amaana Dubai
Koonto nr. 2002-0017 (DUBAI).

Haddii aad ku noo shahay wadanka Norway ugu soo hagaaji:
Koonto nr. 0539 26 31137 (Postbanken)
Contuct Person
: Xasan Cismaan Xuuriye

Telefoon
: 2217 0917
2211 3418

Mobile: 4803 7525

Faahfaahin kala xiriir websitekooda www.agoonta.net/

Wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net

Faahfaahin kala xiriir websitekooda

 www.agoonta.net/

 


 

                            Bahda alrisaala.com

                   

5/8/2008

 
 


 
 

Designed by: maamulka@alrisaala.com