Ku soo dhawaada walaalayaal websiteka  Alrisaala.com

Warbixinta Agoonta Soomaaliyeed

   

                     

Ku: Dhamaan walaalaha Muslimiinta ah


Ujeedo: Codsi Kafaalo iyo Ugar gaarid Agoon Duruufaysan.


Walaalayaal sida aad lasocotaan dhibaato badan ayaa haysata agoonta Soomaaliyeed gaar ahaan agoonta Soomaali galbeed oo la silicsan dhibaatooyin kaladuwan sida: gaajo, arad, jiro, hoyla’aan, barakac iyo jahli ay ku dhamaysteen wakhtigoodii.

Walaalayaal sidaad lasocotaan dhibaatooyinkii kadhacay soomaaliya wuxuu saamayn aad uwayn kuyeeshay danyarta soomaaliyeed gaar ahaan Agoonta Soomaali galbeed oo markii horaba ay dhibaatooyin fara badani ku haysteen Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho, kadib markay ka soo barakaceen Wadanka S/galbeed.

Agoonta S/galbeed ayaa u qaybsanayd labo qaybood 1- Qayb laxareeyay oo loo diyaariyay kuleejo ay ka heli jireen nolol iyo jiif dhamaystiran, iyo Iskool ay kaheli jireen waxbarasho heer walba leh.
2- iyo qayb hooyooyinkood la noolaa oo furso u helay oo qudha inay wax kabartaan Iskoolka.

Agoontaasi waxay kasoo barakeceen oo ay kasoo carareen guryahoodii iyo deegaankoodii S/galbeed, kadib markii la laayay aabayaashood.

Agoontaas ayaa mar labaad waxay ka barakaceen deegaanadii ay ka degenaayeen magaalada Muqdisho oo ay u barakaceen gudaha soomaaliya.

Agoontaas ayaay aad ugu baahan cid ka caawisa dhanka nolasha, waxbarashada iyo deegaankaba.

Sidaas darteed waxuu maamulka Agoonta S/galbeed ugu baaqayaa dhamaan walaalaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan inay gacan kagaystaan dhibaatooyinka haysta Agoonta S/galbeed.

Sidoo kale maamulka Agoont S/galbeed ayaa sheegay waxa ku filan agoonkiiba, iyagoo u kala qaybiyay dhanka nolasha iyo dhanka waxbarashada.

1- Dhanka Nolosha waxaa ku filan $30 bishiiba.
2- Dhanka Waxbarashada waxaa ku filan $10 bishiiba.

Hadaba walaalayaal maamulka agoonta wuxuu kacodsanayaa walaalaha Muslimiinta ah in ay agoontaas ku fiiriyaan il naxariiseed.

Walaalayaal Rabi ha idiin naxariistee usoo naxariista walaalihiina Agoonta ah ee tabaalaysan.

Walaalayaal Rabi haydinka dhigo dariska Nabigeena (Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaatee) Janada ee agoontaas ka kafaala qaada dhanka nolasha iyo waxbarashadaba Alle hadiin barakeeyo xoolihiina, awlaadiina iyo cimrigiinaba, hana idiin xifdiyo diintiina.

 

 




Maamulka Agoonta S/galbeed

Muxyadiin Maxamuud Cabdi

Email:yatiim@hotmail.com, agoon@yatiim.org

Tel 252-1-5524059 ama 252-1-5161493

 


 


 

 

                            Bahda alrisaala.com

                   

9/9/2008

 
 


 
 

Designed by: maamulka@alrisaala.com