Ku soo dhawaada walaalayaal websiteka  Alrisaala.com

Warbixinta Agoonta Soomaaliyeed

   

           

             Warbixinta Agoonta Bakool

 

Agoonta waxaa la kala aas aasay waqtiyo kala duwan ,Agoonta waajid waxaa la aas-aasay 2001 ,waxaa kafiil ka ahaa nin kheyr qaba ah oo reer Saudi ah Allaha u naxariistee waxaa uu dhintay soonkii inoogu danbeeyey.

Lama hayo cid uu kala dardaarmay Agoontaa in ay sii wadaan lamana helin wax qoraal ah oo uu ka tagay sida ay noo sheegeen ragii la xiriiri jiray waagii uu noolaa marxuumka.

Agoonta uu ninkaasi kafiilka aha waxaa waxaa ay gaarayeen ilaa 180 Agoon,waxaa uu bishii Ilmihii ka bixin jiray 4 dolar oo wax barasho ah ,ma heli jirin agoontaa wax quudin ah ama cunto joogta ah oo la siiyo,sidaa daraadeed ayaa anagu isku daynay in aan sii wadno intii aan awoodno.


Agoonta Xuddur ,Tiyekloow;Yeed

Agoonta Xuddur waxaa ay dhisan yihiin laga soo bilaabo 2005 ilaa maanta ,Tiyekloow waa la mid ,kuwa xuddur waa 97 Agoon oo aan siino cunta Qado ah iyo wax barasho Diini ah (qaybaheeda kala duwan ).

Agoontaa waxaa dhisme u dhisay hayada Manhal ,nasiib daro wali lama helin wax la dhigo oo sariirihii iyo gogoshii ,lamana helin kafaalad buuxda oo agoontaa ah.
Waxaa ay wax ku bartaa meelo ku meel gaar ah oo aanu u dhisnay laakiin nasiib daro waa dhaweyd ayaa waxaa meeshii ka dagay oo allaabtii ka qaatay qolooyin jiri ah,walina ma aynaan helin meel sax ah oo Agoonta wax loogu sii bilaabo .
waxaanu ka codsanaynaa guud ahaan muslimiinta in loo gargaaro Agoontaas .

Agoonta Tiyekloow iyo yeed waxaa aan ka bixinaa Khidmada (Fiiga) iskuulka ay dhigtaan diini iyo maadiba.Guud ahaan agoontaa gobolka bakool waa agoon aad u dayacan ee muslimiinta guud ahaan waxaan ka codsanaynaa in la kaalmeeyo agoontaa.

 

Cidii doonaysaa in ay caawiso Agoontaas,waxa ay kala xiriiri karaan Agoontaa Akhyaarta hoos ku qoran:-

Sheik Husein Macalin Abdinur Gudoomiyaha Agoonta bakool

Mobil.(2521 55 98121)

Sheik Mahamed kheyr mahamed Gudoomiye ku xigeenka Agoonta

Mobil (2521 55 81570)

Sheekh Adan ali Guumow Xiriiriyaha agoonta iyo jaaliyadaha dibada

Mob(2521 55 21502)
Adan sheik abdulaah Khasnajiga Agoonta Mobil

(2521 55 48344)

Sheikh Abdinur Macalin Husein Ahmed Maamulaha xerada Agoonta Xuddur

Mobil (2521 51 01073)

Sheikh Isxaaq Macalim Ibraahiim,Maamulaha xerada  Agoonta Waajid
Mobil-(2521 523 2639)

Waayeelka Agoonta Gobolka Bakool Ciise A/hi fidaar
Email
Fidaar@hotmail.com Fidaar@yahoo.com


 


 

 

                            Bahda alrisaala.com

                   

21/3/2009

 
 


 
 

Designed by: maamulka@alrisaala.com