Ku soo dhawaada walaalayaal websiteka  Alrisaala.com

Wararka Agoonta

  

                  
Maxaa kala socotaa xaalada Agoonta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug
Posted to the Web Aug 03, 12:27

Gaalkacyo:-Waxaaa bilahaan danbe magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/Mudug ka socdo dhismo loo dhisayo Agoonta magaalada Gaalkacyo, agoonta magaalada ayaa waxaa xarun u ah qayb ka mid ah Iskuulka Cumar Samatar  taas oo dulsaar ku noqotay Iskuulka.


Wax garadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay dadaal dheer u galeen in la kala xagaajiyo Agoonta Magaalada Gaalkacyo  iyo Iskuul Cumar Samatar oo ay baahiweyn u qabaan Bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

Nin Muxsin ah oo ka mid ah Jaaliyadadibada gaar ahaa Wadanka Swedan ayaa waxaa uu dhul u iibiyey agoonta dhulkaas oo ilaa hadda uu ka socdo dhismo xooggan , Jaaliyaadka dibada ayaa wada dadaal dheeraad ah oo ay ku doona yaan in agoonta loo dhiso hoy ,skool ,Masaajid iyo meel ay ku ciyaaraan.

Shabakada wararka ee Halgan .net ayaa sanado ka hor bogeeda ku soo daabac day xaalada adag oo ay ku nool yihiin agoontaas waxaan ay Jaaliyadaha dibadu ay bilaabeen in ay la gaaraan gurmada deg deg ah agoonta arinkaas oo ay ku amaanan yihiin.


Hay'ad Islaami ah oo lagu magacaabo Ixyaa atturath al islami ayaa waxaa ay kafaalo qaadeen agoonta magaalada Gaalkacyo oo tiradoodu gaarayso ilaa 281 agoon ,waxaana ay agoon walba ay siiyaan ilaa 18 dollar ,Hay'addaan  Ixyaa atturath al islami ayaa waxa ay lacag Sadaqaad ah ka soo aruuriyaan dadka muslimiinta ah ka dibna waxaa ay u soo gudbiyaan agoonta magaalada Gaalkacyo oo tiradoodu gaarayso inta xaraysan ilaa hadda 281 agoon.


Dhulka la siiyey Agoonta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ku yaalaa sidda aad ka arkaysaan masawirada Bariga Kontoroolka Gaalkacyo, dhulkaas wuxuu dhan yahay 61,000 mitir wareeg oo u kala qaysban labo dhinaca oo wado weyn dhexmarto qorshuhuna waxaa weeyey in gabdhaha iyo wiilasha loo kala dhiso.


Dhismihii oo aan ilaa hadda la dhamaystirin qabyana ah ayaa waxaa uu ka kooban yahay;
 
1.-Deyr dheer oo 250x200 mitir linear ah.

2.-Dugsi 8 fasal ah.

3.- Kushiin iyo saalo cunto oo qaada ilaa 300 boqol iyo bakhaaro.

4.-3 block oo jif ah qaadana ilaa 250 agoon qolalkii Macalimiinta iyo Musqulo 3 qaybood oo kiiba yahay 5 oo qubays iyo fadhi kala ah.

5.- Masaajid

6. -Xafiisyo Maamul oo hadda asaaskii loo xiray mudo gaabanna ku dhammanay
Insha allaahu.

7-. Gudadka loogu tala galay Boosaneerka ee musqulhu qashinka ku shubaan oo block kasta ka qodan.

8.- -Ceel 220 mitir ah oo160 biyo tahay.

Waraysi aan la yeelan doono Sheikh Huseen Abdulle Codweyn ayaan saacaddaha soo socda ama maalmaha food idinku soo haya idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu.

 

 

                             Xigasho:Halgan.net 

   

                            Bahda alrisaala.com

                   

6/8/2008

 
 


 
 

Designed by: maamulka@alrisaala.com