KA:Xarunta Agoonta Al-Nahrayn ee Degmada Afgooye
KU: Dadka Soomaaliyeed ee Muxsiniinta ah.
Ujeedo: Dhul banaan oo loo dhisayo Agoonta Al nahrayn
Xarunta Xanaanadda Agoonta ee Al-Nahreyn ee degmadda Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose,ayaa loogu deeqay dhul dhan 6 Boos oo ku yaalla isla degmadasi, kaas oo loogu tala galay in agoonta la dejiyo, Agoontu haatan waxay ku jiraan guryo kirro.
Dhulkaasi cusub ee lagu wado in loo dhiso,Xarunta Xanaanadda Agoonta ee Al-Nahreyn ee degmadda Afgooye, hadii Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda ku dhaqan ay gacan ka geystaan.
Dhulkaasi waxaa gaday gabdho muxsiniin ah oo ku nool wadanka Danmark kuwaaso soo wakiishay CAASHO YUUSUF NUUR iyo gabadha ha ku nool wadanka Canada kuwaaso soo wakiishay Nasro Ismaaciil Cilmi iyo dad kaloo muxsiniin ah. Hadaba xarunta Agoonta ee Al nahreyn waxay ka codsanaysaa walaalaha muxsiniinta ah iney gacan ka geestaan dhismaha dhulkaasi dhulkaasoo laga rabo sidatan soo socota:-
1- Hoy Agoontu jiifato
2-Iskuul Agoonta wax lagu baro
3-Masjid ay Agoontu ku tukato
4-Kushiin Agoontu wax loogu kariyo
5-Goob caafimaad oo Agoonta lagu daaweeyo

Dhulka Agoonta loo dhisayo sawirkiisa

Dhulka Agoonta loo dhisayo sawirkiisa
Walaalaha Muxsiniinta ahow waad og tihiin canug agoon ah waxa loo qabto Ajirka iyo faiidada ay leedahay Alle agtiisa Nabigeena nabadagalyo korkiis ha ahaatee waxuu yiri Waa sadaqada soconeyso xittaa qofku haduu dhinto, sida qofka inuu dhiso goob waxa lagu barto iyo masaajido iyo xarumo caafimaad iyo wixii lamid ah.
Hadaba Ruuxii danaynaya inuu Janada Boos ka iibsado ha la soo xiriiro Teleefoonadaan oo laga heli karo dadkaan
Caasho yuusuf nuur dhicisoow wakiil Denmark iyo Yurub Tel: 004597225714 iyo Wakiilka Denmark Daauud Xaaji Maxamuud Tel: 004535104670,
Maamulaha Muqtaar Abuukar Maxamed
Tel:0025250989977 ama
Tel 002526726600 ama
Tel xafiiska 00252509714148
Ama kala xiriir Email-dan
Email alnahreyn@gmail.com
Email bookoow@hotmail.com