|

KA: Agoonta Bakool
KU: Dadka Soomaaliyeed ee Muxsiniinta ah.
Ujeedo: Codsi wax ka qabasho baahida hada jirta.
1-Agoonta waajid waxaa la aas-aasay 2001 ,waxaa kafiil ka ahaa nin kheyr qaba ah oo reer Saudi ah Allaha u naxariistee waxaa uu dhintay Soonkii inoogu danbeeyey.
Lama hayo cid uu kala dardaarmay Agoontaa in ay sii wadaan lamana helin wax qoraal ah oo uu ka tagay sida ay noo sheegeen ragii la xiriiri jiray waagii uu noolaa marxuumka.
Agoonta uu ninkaasi kafiilka aha waxaa waxaa ay gaarayeen ilaa 180 Agoon,waxaa uu bishii Ilmihii ka bixin jiray 4 dolar oo wax barasho ah ,ma heli jirin agoontaa wax quudin ah ama cunto joogta ah oo la siiyo,sidaa daraadeed ayaan anagu isku daynay in aan sii wadno intii aan awoodno.
Hadaba Agoontaas Baahidoodii wali waa taagan tahay, marka Muslimiinta gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa arintaas in wax laga qabto.
2-Agoonta Xuddur waxaa ay dhisan yihiin laga soo bilaabo 2005 ilaa maanta ,Tiyekloow waa la mid ,kuwa xuddur waa 97 Agoon oo aan siino cunta Qado ah iyo wax barasho Diini ah (qaybaheeda kala duwan ).
Walaalayaal laakiin nasiib daro Agoontii waa dhaweyd ayaa waxaa meeshii ay degenaayeen ka dagay oo allaabtii ka qaatay qolooyin jiri ah.

Walaalayaal waa kuwaan caruutii sawiradoodii,dhibta jirtaana waa in aysan maanta haysan alaabtii wax lagu karin lahaa iyo kuwii ay iyagu wax ku cuni lahaayeen iyo gogashii lagu seexan lahaa.

Walaalayaal waa kuwaan caruutii sawiradoodii,dhibta jirtaana waa in aysan maanta haysan alaabtii wax lagu karin lahaa iyo kuwii ay iyagu wax ku cuni lahaayeen iyo gogashii lagu seexan lahaa.
waxaanu ka codsanaynaa guud ahaan muslimiinta in loo gargaaro Agoontaas. Agoonta gobolka bakool waa Agoon aad u dayacan ee Muslimiinta guud ahaan waxaan ka codsanaynaa in la kaalmeeyo Agoontaas.Ugu danbayntii Illaahayna waxaan uga baryaynaa cidii hawshaan horay uga qayb qaadatay iyo cidii jecelba in ay ka qayb qaadato in uu siiyo nimco Adduun iyo mid Aakhiraba Aamii,Amiin,Aamiin.
Cidii doonaysaa in ay caawiso Agoontaas,waxa ay kala xiriiri karaan Agoontaa Akhyaarta hoos ku qoran:-
Sheik Husein Macalin Abdinur Gudoomiyaha Agoonta bakool
Mobil.(2521 55 98121)
Sheik Mahamed kheyr mahamed Gudoomiye ku xigeenka Agoonta
Mobil (2521 55 81570)
Sheekh Adan ali Guumow Xiriiriyaha agoonta iyo jaaliyadaha dibada
Mob(2521 55 21502) Adan sheik abdulaah Khasnajiga Agoonta Mobil
(2521 55 48344)
Sheikh Abdinur Macalin Husein Ahmed Maamulaha xerada Agoonta Xuddur
Mobil (2521 51 01073)
Sheikh Isxaaq Macalim Ibraahiim,Maamulaha xerada Agoonta Waajid Mobil-(2521 523 2639)
Waayeelka Agoonta Gobolka Bakool Ciise A/hi fidaar Email Fidaar@hotmail.com Fidaar@yahoo.com
Bahda alrisaala.com
|