|

KA:Maamulka Agoonta Gaalkacyo
KU: Dadka Soomaaliyeed ee Muxsiniinta ah.
Ujeedo: Baahiyaha dagdaga ah ee loo baahanyahay
Waxaan halkaan idinkugu soo bandhigaynaa baahiyaha taagan ee ay qabaan Agoonta Gaalkacyo :-
Qaybta 1aad qalabaynta jiifka :-
1- Qalabaynta jiifka waxaan uqaybinay sideed shay oo kala ah : sariiro , joodariyaal , barkimo , go,yaal , sinsiyeeriyo , Armaajooyin , miis iyo kuraasi , Walaalayaal agoonkiiba wuxuu ubaahanyahay - sariir , joodari , barkin , go , sinsiyeeri , armaajo , miis iyo kursi , qiimaha alaabtaas agoonkiiba waa $ 260 doolar , waa lahelayaa alaab ka qiimo jaban laakiinse waa alaab aan tayo lahayn oo an ku haynayn sanado badan , sariiraha aan hadda idiin qaymaynay waa sariiro la isticmaali karo mudo dheer dhaxal galna ah .
Qaybta 2aad qalabaynta waxbarashada :-
1- baahiyaha waxbarashada waxaa kamid ah :- kuraas iyo miisas tayo fiican leh qiimahooduna halkii kursi iyo miisba waa $ 65 doolar 2- fasalada u dhisan agoonta gaalkacayo waa sideed fasal waxaana ka dhiman afartii fasal ee dugsiga sare iyo labo qol oo ah ( LAB ) kuwaas oo aasaaskoodii qaarkood dhisanyahay. waa muhiim in lahelo fasalada dugsiga sare waayo ardayda agoonta ah ee dugsiga sare gaartay way badan tahay , dhaqaalana looma hayo lagaga baxsho dugsi sare 3- maktabadda xarunta : agoontu waxay ubaahantahay in loo dhiso maktabad ay wax ka akhristaan taasoo ubaahan dhisid iyo qalabayn intaba .
Qaybta 3aad haanta biyaha :-
Xaruntu waxay ubaahantahay haan weyn oo kor udhisan shubna ah taasoo biyaha loogu kaydiyo xarunta .
Qaybta 4aad kordhinta qolalka jiifka :-
Agoonta hadda waxaa qolal jiif u dhisan 12 qol , qolalakaasna qolkiiba waxaa seexda 20 wiil , sida idinkaga muuqaa sawirada hoose , qolkiina waxaa loogu talagalay 10 wiil , waadna garan kartaan wax cagligal ah inaysan ahayn tirada intaa le,eg inay hal qol oo 7mitir ah ay seexdaan ayadoo cimilo ahaan iyo caafimaad ahaan intaba aan suurto gal ahayn . Waxayna u baahan yihiin qolal siyaadaa oo lagu kala qaybsho .
Qaybta 5aad dhismaha guryaha macalimiinta :-
Maadaama aan haysano dhulbanaan oo weyn waxaan ubaahannahay guryo macalimiin oo is kugu jira labo qaybood oo kala ah macalimiinta iskaabulada ah iyo macalimiinta xaasaska ah .
1- Macalimiinta xaasaska ah waxay ubaahan yihiin 11 qaybood oo qaybtiiba kakoobantahay labo qol , jiko , musqul iyo dayrkood .
2- macalimiinta iskaabulada ah waxay ubaahanyihiin 4 qol , musqul , iyo dayrkood , macalimiinta haddii loo helo guryo ay dagaan markaas waxaa meesha ka baxaysa sii qaadistooda iyo keenitaankooda waayo xaruntu magaalada wey ka fog tahay macalinka haddii aan hoyi uhelno waxay naga fududaynaysaa culayska naga saaran dhanka mushaarkooda maadaama aan hoyi uhelnay ayagana sidaas ayay dantu ugu jirtaa .
Qaybta 6aad dhismaha isbitaalka xarunta.
Maadaama ay xaruntu tahay xarun weyn oo ay ku xaraysanyihiin 300 oo agoon ah waxaa laga maarmaan ah inay hesho qayb isbitaal ah oo lagu daweeyo agoonta maadaama ay xaruntu magaalada ay ka fogtahay .
Qaybta 7aad dhismaha qaybta karantiilka :-
Waa muhiin in la helo qayb lagu karantiilo agoonta qaybta ay ku dhacaan cudurada faafa iyo kuwa maqaarka ku dhaca.
Qaybta 8aad qalabaynta isbortska iyo garoomada :-
Agoontu waxay ubaahan yihiin inay helaan qalab ay ku ciyaaraan oo iskugu jira baaskiilo , wiifowyo , kubado , iyo taleefishino ay marmarka qaarkood loo shido . Waad lawada socotaan ciyaarta iyo jirdhisku inay muhiim utahay korniinka jirka , caqliyan iyo maskaxiyay intaba .
Qaybta 9aad baahida korontada :-
Xaruntu waxay ubaahantahay inay hesho koronto ku filan oo ah soolar nooca qoraxda iyo kan dabaysha ah labadaba , iyo matoor awoodleh oo siiya dab ku filan xarunta , loona dhiso labo qol oo midna matoorka la dhigo midna matooraystuhu ka waardiyeeyo .
Walaalayaal hadda waxaa siiya xarunta korontada matoor aan awood badnayn oo isticmaala shidaal badan guuxiisuna dheeryahay .
Qaybta 10aad baahida dhismaha xarunta gabdhaha :-
Qaybta dhismaha gabdhaha waxaa loowaayay qarash lagu dhamaystiro qaybta, maadaama qaybtii wiilasha dhismeheedii lagu jiray alle mahaddiis xaruntii wiilasha inteedii badnayd way naga dhamaatay marka laga reebo baahiyaha kor ku xusan , waxaana ka rajaynaynaa walaaleheena wanaaga ka shaqeeya inay usoo jeestaan oo ay xooga saaraan sidii loo dhamaystiri lahaa xarunta gabdhaha oo haatan aasaaskii maraysa , waxaanan ku rajo weynahay in looga qayb qaadan doono sidii tii wiilasha oo kale .
Sida aan kor idinkugu xusnay baahiyahaas midba midda kale ay ka darantahay iyo kuwo kale oo sii dhimanba waa muhiim in la helo ama la daboolo waayo waad la wada socotaan in qur,aanka kariimka ah iyo axaadiista nabi maxamed CSW, aad uga hadleen ajarka aw helayo qofkii Agoonta waxtara haba ugu yaraatee in madaxa loo salaaxo , wax siin iska dhaafe .
Walaalayaal sida aad wax u bixisaan ayaa Illaahay wax idiin siinayaa haddii aad bixisaan sadaqada waad helaysaan badalkeeda , waxaanan aad iyo aad idinkaga codsanaynaa in aad ka qaybqaadataan sidii loo dabooli lahaa baahiyaas midba midda kale ay ka darantahay waxaanan ilaahay uga baryaynaa ciddii ka qayb qaadata hawshaas muhiimka ah in Illaahay uu ugu badiyo miisaankiisa xasanaadka ah haddii alle idmo , waxaan kaloo Illaahay idinkaga baryaynaa in aw idinka dhigo kuwii ka faa,iidaysta fursadaas dahabiga ah .
Walaalayaal wixii aad ooga qayb qaadanaysaan haqabtirka baahiyaha ay qabaan Agoonta gaalkacyo taleefoonadaan iyo ciwaankaan hoosku xusan oogu soo hagaajiya haddii alle idmo .
Maamulka Agoonta Gaalkacyo .
0025290756172
0025290784918
C/qani Cali Jaamac ( muslim aadam turaab )
Tel : 0025290784918.
Email : sws3@hotmail.com
Ama booqo websiteka : www.alrisaala.com
Bahda alrisaala.com
|