|

Qaylo dhaan ku wajahan Ganacsatada Soomaaliyeed , Jaaliyadaha dibada iyo Hay’daha Samafalka
Muqdisho:-Guddiga taakulaynta agoonta waa hay’ad samafal oo u istaagtay daryeelka agoonta soomaaliyeed wuxuuna ufaray shan xaruumood oo ay ku xareesan yihiin 1100 agoon oo isgu jira wiilal iyo gabdho waxana ka helaan xaruumahaas waxa ay u baahan yihiin sida(waxbarasho , raashin, Daawo, dhar barbarian suuban , iyo hooyba xaruumahaa waxay kala yihiin :-
|
No
|
Xaruunta
|
Tirade
|
Magaalada
|
F.G
|
|
|
Umul muminiina Caaisha
|
350
|
Muqdisho
|
Gabdho
|
|
|
Imaamu Shaafici
|
300
|
Muqdisho
|
Wiilal
|
|
|
Imaamu Maamlik
|
200
|
Km13
|
Wiilal
|
|
|
Imaamu Bukhaari
|
200
|
Marka
|
Wiilal
|
|
|
Alraxma
|
50
|
Balad Weyne
|
Wiilal |
Guddiga waxaa saamayn ku yeeshay hoos udhaca dhaqaalaha adduunka iyadoo ay joojiyeen dad faro badan oo horay u kafaalo qaaday agoontaa kafaaladii ay soo diri jireen, arintaana waxay sababtay in gudigu uu u sii wado agoonta ay ka joogsatay kafaaladaqaadka ,kafaalo agoon kale ,arinkaane wuxuu keenay in hoos udhac balaaran uu ku yimaado dhaqaalhii uu guddiga hayay .
Sidaa daraateed guddiga wuxuu u soo jeedinayaa hay’adaha samafalka , ganacsatda dadka dhaqaalaha haysta inay badbaadiyaan mashruucaan taakulaynta agoonta si uu u sii socdo gaar ahaan labada xero alraxma iyo imaamu Maalik - oo feberayo 2009 la furay– oo ay ka joogsatay kafaaladii haddii aan loo helinin cid kafaalo qaadane ay xirmidoonaan guddiga wuxuu diyaar u yahay inuu inuu ku wareejiyo labadaa xero iyo agabkooda hay’addii u diyaar ah in ay la wareegto.
Wabilaahi towfiiq
Maxamed C/kariim Nuur Guddoomiyaha Guddiga Guddiga Xaruntiisu waa Muqdisho, Tell:557322 ,5543242, 963444, 601989, Email: Agoontasom@hotmail.com ama Agoontasom@yahoo.com
Bahda alrisaala.com
|