Hay'ad samafal oo deeq guddoonsiisay ardada dhigata Dugsiga Agoonta.
Hay'adda Danwadaag Relief Development Orgaisation ee fadhigeedu yahay magaalada Leiceter, ayaa deeq waxbarsho guddoonsiiyey carruurta Agoonta ah ee wax ka barata dugsiga Agoonta ee magaalada Gaalkacyo.
Deeqda ay Hay'addaasi guddoonsiiyey ayaa ahayd mid waxbarsho oo carruurtaasi si weyn uga saacidaysa dhinaca waxbarshada iyo sii wadashadeeda, waxayna iskugu jirtay deeqdaasi Buugaagta waxbarashada, Qalimaan iyo agab kale oo muhiim u ah waxbarshada Carruunta.
Xafladda deeqdaan carruunta lagu guddoonsiinayey ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah mas'uuliyiinta hay'addaasi iyo wakiillo loo xilsaaray qaybinta deeqdaasi, ehelada carruunta Agoonta ah iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Walaalayaal waxaa deeqdaas la gudoonsiiyay ardayda xarunta Agoonta oo dhan 250 kuwaasoo iskugu jira dugsiga hoose kan dhexe iyo kan sareba.
Waxaana Illaahay uga baryaynaa in walaalahii isku xilqaamay inay dhisaan ururkaan faa,iidada uleh dadka Soomaliyeed inuu ka abaal mariyo hawlaha khayriga ah ee ay uqabanayaan bulshadooda Aamiin,Aamiin,Aamiin.
