Ku soo dhawaada walaalayaal websiteka  Alrisaala.com

Dhismihii Agoonta Gabdhaha oo la bilaabay

 

 

               Bishaaro, Bishaaro, Bishaaro,Bishaaro

 

Walaalayaal waxaan idiin sheegaynaa in aanu biloownay qaybta dhismaha loo dhisayo gabdhaha Agoonta ah ee Gaalkacyo , waxaa hadda la dhamaystiray aasaaskii Wuxuuna ka kooban yahay dhismaha gabdhaha agoonta ahi qaybahaan soo socda :-

1- Sadex baarti oo jiif ah oo ka kooban 15 qol

2- Iskoolkii .

3- Hoolkii cuntada iyo jikadii iyo bakhaarkii raashinka .
4- Masaajid.

waxaa kaloo socda qaybtii wiilasha oo ay ka dhimantahay rinjigii iyo baraagihii biyahay iyo afartii fasal oo ka dhimanayd iskuulka iyo xoogaa naash naash ah .

Walalayaal waxaan idinka codsanaynaa gaar ahaan jaaliyadaha dibadda, xawaaladaha, ganacasatada iyo shirkadaha kale iney ka qayb qaataan sadaqadaan jaariyada ah.

Walaalayaal ogaada wax bixiyaa wax hela, maalkuna sadaqada wuu ku bataa marka sidaa daraadeed waxaan idinka codsanyaa inaad ka qeybqaadataan oo aad ka faa`iidaysataan sadaqadaas waana mahadsantihiin .

Sawirka dhismaha Agoonta gabdhaha loo dhisayo

Sawirka dhismaha Agoonta gabdhaha loo dhisayo

Sawirka dhismaha Agoonta gabdhaha loo dhisayo

 


 

 

                            Bahda alrisaala.com

                   

02/10/2008

 
 


 
 

Designed by: maamulka@alrisaala.com