Gaalkacyo:-Xarunta Agoonta Gaalkacyo oo si ku meelgaar ah u ahayd dugsiga sare ee Cumar Samatar waxaa la bilaabay 7-12-1993 xaruntu ayadoo nolol daalaa dhaca ku jirtay waxaa mudadii ay furnayd ka faa,iidaystay arday badan oo Agoon ah , qaarkood hadda waxay ka soo bexeen Jaamacado , qaarna hadday dhigtaan Jaamacado , qaarkalana ayagoo waxbarasho kala duwan leh bay waxay ka shaqeeyaan Madaarista , Shirkadaha , IWM . Qaarna qurbaha ayay u dhoofeen , qaarna Suuqyada ayay ku baagamuudeeyaan .
Halkaan waxaan kusoo qoraynaa haddii Rabbi idmo,dhamaan wixii aan ka hayno warbixin Agoonta Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, hadaad ka qayb qaadato taakulaynta Agoonta soomaaliyeed, waxaan kuugu bishaaraynaa xadiiskaan soo socda,Nabiga S.C.W wuxuu yiri:-Aniga iyo qofka Agoonta taakuleeya Janadda waxaan ku nahay sida labadaas farood oo kale.(Nabigu S.C.W wuxuu tilmaamay labadiisa farood ee murugsatada iyo fardhexaadka)". wariyey Bukhaari
Marka Alle ha dhaga dhigo kuwii u khidmeeya dadka masaakiinta ah sida Agoonta oo kale,Aamiin.Aamii, Aamiin. Walaalalada ama walaalkii haya Agoon meel ku xaraysan ha noo soo gudbiyo si aan u gaarsiino dhamaan Ummadda Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan, annagu hada waxaan soo diyaarinay dhowr qaybood oo ka mid ah Agoontaas aan soo sheegnay....
Halkaan waxaan kusoo qoraynaa haddii Rabbi idmo,dhamaan wixii codsiyo ah ee ku socda Muslimiinta Muxsiniinta ah ee wax baxsanaya Walaalalada ama walaalkii haya codsiyo ka hadlaya Agoonta ha noo soo gudbiyo si aan u gaarsiino dhamaan Ummadda Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan, cidii ajiibta codsiyadaas Illaahay waxaan uga baryaynaa nimco adduun iyo mid aakhiro Aamiin,Aamiin,aamiin.