|

AGOON WAA KEE ?
Marka la dhaho bani,aadamka Agoon waa ilmaha Aabihii waayay isaga oo aan qaangaarin .Laakiin marka la dhaho xayawaanka waxaa Agoon la dhahaa ilmaha Hooyadii waaya .Hadaba maadaama kafaalo qaadida ilmuhu ay aabaha saarantahay sidaa darteed baa Agoon loo yiri ilmaha Aabihii waayay.Taa lidkeeda xayawaanka kafaalada ilmuhu waxay saarantahay Hooyada.Wayna isku waafaqsanyihiin culimada fiqhiga iyo culimada luuqadda carabiga in Agoonimadu ku egtahay marxaladda qaangaarka .
CALAAMADAHA QAANGAARKA
Calaamadaha qaangaarku waa sadex marka la dhaho wiilasha :
1- in ilmaha udhamaystirmaan 15 sano . 2- in timaha hoose usoo baxaan . 3- in ilmuhu dhiicaanka dadka laga abuuro isku arko .
sadexdaa calaamadood wiilasha iyo gabdhuhu way usiman yihiin , waxaa gabdhaha ugaaran calaamad afaraad oo la dhaho caadada .
SABABTA AGOONKA LOOGU MAGACAABAY AGOON
Sida culimada qaarkood sheegeen magacaabidaani waxay ka timid daryeel la,aanta ilmuhu uu la kulmayo markuu mas,uulkiisa waayo waxaa kaloo layiri Agoontinimadu waa moogaan waayo waa qof la moog yahay oo cid gaari u xilqabin .
ISLAAMKA IYO AGOONKA
Shareecada islaamku xuquuqaha kale oo dhan waxay ka hor marisay daryeelidda Agoonka sidoo kale waxay aad usharaftay u amaantay uqadarisay una weynaysay magacyo wanaagsanna ubixisay dadka uistaaga daryeelka agoonta waxaana ka mida amaanaha lasiiyay in lagu magacaabay Muxsiniin oo macneheedu yahay ( wanaag falayaal ) sidaas darteed waxaan leenahay qof nasiib leh baa Agoon wax tara .
Ugu dambayntii shakhsiga Muslimka ah ee dareenkiisu sareeyow ogow in Agoonku la midyahay ilmahaaga yar oo aabihii waayay.
Bahda alrisaala.com
|