Ku soo dhawaada walaalayaal websiteka  Alrisaala.com

Maqaal

   

AXAADIISTU WAXAY KA TIRI KAFAALADA AGOONKA.


Walaalayaal markaan wax ka sheegno axaadiista qaarkood :-
1- xadiiska koobaad saxaabiga la dhaho
abii dardaa wuxuu yiri :-

عن أبي الدرداء رضي الله عنه قال(أتىالنبي صلى الله عليه وسلم رجل يشكو قسوة قلبه ؟قال: أتحب أن يلين قلبك وتدركحاجتك؟؟ ارحم اليتيم وامسح رأسه وأطعمه من طعامك يلن قلبك وتدرك حاجتك ) رواه الطبراني

Ninbaa nabiga c.s.w uyimid wuxuuna kuyiri waxaan qabaa qalbi adayg ee maxaan isku daweeyaa ? rasuulku c.s.w. wuxuu ugu jawaabay ( majeceshahay in qalbigu kuu jilco danahaagana oo dhanna aad hesho ? )
wuxuu ku jawaabay ninkii haa , wuxuu nabigu c.s.w. ku yiri ( unaxariiso Agoonka madaxana usalaax , cunadaadana wax ka sii
)
xadiiskuna darajadiisu waa xasan sida uu sheegay
shiikh albaani
.
Hala yaabin arintaan waayo qalbigu wuxuu ku jilcaa oo naxariis iyo iimaan uga buuxsamaan wanaaga xubnuhu ay sameeyaan hadaba maxaa ka wanaagsan oo ka weyn waxtarka Agoonka oo xubnuhu ay samayn lahaayeen ?
2- xadiiskaan kalana wuxuu nabigu c.s.w. ku leeyahay :-

قال رسول اللّه صلى اللّه عليه وسلم : (إناليتيم إذا بكى اهتزلبكائه عرش الرحمن، فيقول اللّه تعالى لملائكته: يا ملائكتي،من ذا الذي أبكى هذا اليتيم الذي غيبت أباه في التراب، فتقول الملائكة ربنا أنتأعلم، فيقول اللّه تعالى لملائكته: يا ملائكتي، اشهدوا أن منأسكتهوأرضاه؟ أنا أرضيه يوم القيامة(

Nabigu c.s.w. wuxuu yiri ( markuu agoon ooyo oohintiisa awgeed waxaa lagariira carshiga ilaaha raxmaanka ah , markaasuu malaa,igtiisa ku dhahaa yaa ka oohiyay Agoonkaan aan aabihii ciidda hoosteeda galiyay ? markaasay dhahayaan ilaahaw adaa naga yaqaan cidda ka oo hisay , markaasu Alle subxaanahu watacaalaa malaa,igey markhaati ka ahaada inaan qofkii aamusiya raalina galiya anna aan maalinta qiyaamo raali galin doono ).
3- xadiiska sadexaad :-

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:( إذا كان يوم القيامةيقول الله تعالىلليتيم إذا كان اليتيم من أهل الجنة أذهب وأنظر إلى كل من أطعمك لقمة في وأنظر إلىكل من سقاك شربة ماء في وأنظرإلى كل من كساك كسوة في خذ بيده وأدخله الجنة) .

nabigu c.s.w wuxuu yiri ( Markay qiyaamadu dhacdo Illaahay Agoonka Janada ku jira wuxuu ku dhahayaa orod oo soo fiirfiiri qofkastoo hal afgalis ani dartay kuu siiyay qofkastoo ani dartay biyo kaaga waraabiyay , qofkastoo ani dartay maro kuugu xiray dadkaas oo dhan gacanta soo qabo oo janada soo gali ) .
4- xadiiska afaraad :-

قال النبي صلى الله عليه وسلم(من ضم يتيماً بين مسلمين في طعامهوشرابه حتى يستغني عنه وجبت له الجنة) رواه أبو يعلىوالطبراني وأحمد

wuxuu yiri nabigu c.s.w. ( qofkii kafaalo qaada agoon agoomaha Muslimiinta ka mid ah ilaa uu isku filnaan ka gaaro janaa u waajibtay , xadiis kale Nabigu c.s.w. wuxuu ku yiri naartu xijaab uga noqdaa qiyaamada ) .
5- xadiiska shanaad :-

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( إن في الجنة داراً يقال لها دار الفرح لا يدخلها إلا من فرح يتامي المؤمنين (

Wuxuu yiri rasuulku c.s.w . ( janada waxaa kamida daar la dhaho daarta farxadda mana galayo daartaas qofaan Agoon ka farxinin) .
6- xadiiska lixaad :-

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( كن لليتيم كالأب الرحيم واعلم أنك تزرع كذلك تحصد )

Rasuulku c.s.w. yiri ( u ahow Agoonka sidii Aabe naxariis badan agowna waxaad beerato unbaad goosandoontaa ) .
7- xadiiska todobaad :-

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( من مسح يده على رأس يتيم ترحماً له، أعطاه الله عز وجل بكل شعرة نوراً يوم القيامة(.

wuxuu yiri nabigu c.s.w. ( qofkii gacantiisa ku masaxa madax agoon naxariis awgeed tin kasta oo gacntiisu taabatay ilaahay wuxuu kusiiyaa maalinta qiyaame nuur ) .
8- xadiiska sideedaad :-

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( من ضم يتيما فكان في نفقته، وكفاه مؤونته، كان له حجابا من النار يوم القيامة ).

Nabigu c.s.w. wuxuu ku yiri xadiiskaan ( naartuu xijaab uga noqdaa qiyaamada ) .
9- xadiiska sagaalaad :-

عن سهل بن سعد رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليهوسلم

) أنا وكافل اليتيم في الجنة هكذا وأشار بالسبابة والوسطى وفرج بينهما (رواه البخاري

Nabiga c.s.w. wuxuu xadiiskaan ku yiri :- ( aniga iyo kan agoonka kafaalo qaada janada waxaan ku nahay sidaan asagoo farihiisa simaya )
10- xadiiska tobanaad :-

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( من مسح برأس يتيم كان له بكل شعرة حسنة )

Nabiga c.s.w. wuxuu xadiiskaan ku yiri ( qofkii Agoon madaxa uslaaxa wuxuu helayaa inta timo oo gacantiisu taabato oo ajar ah.


Fiiro gaar ah :-


Marka agoonka madaxa loo salaaxayo xaga foodaa loo soo masaxayaa taasoo macneheedu yahay ( soo bar barbaar ) .
Laakiin ilmaha aan Agoonka ahayn marka madaxa loo salaaxayo gadaalbaa loogu masaxayaa taasoo macneheedu yahay
( ilaahay aabahaa ha kuu daayo
) .
Labada qaabba waxaa ku jira waxa layiraahdo : tafaa,ul
(
khayr odoros ) .Ugu dambayntii haddaadan Agoon kafaalo qaadi karin walaalow yaysan kaa hoos bixin oo hamoogaan hana sahlan inaad marmar taakulayso .


 


 

 

                            Bahda alrisaala.com

                   

02/10/2008

 
 


 
 

Designed by: maamulka@alrisaala.com