|

TARBIYADA AGOONKA
Marka la rabo in Agoonka la tarbiyeeyo tarbiyo wanaagsan waa daruuri in la helo labo arimood :-
1- In la helo go,aan adag oo ku fula ilmaha kana imaanaya cidda gacanta ku haysa oo nidaamsan ilmahana munaasab u ah wax xadgudubna aan lahayn . 2- Inuu helo Agoonku udan qasho , turid , madaxsalaax , udhimrin , iyo barnaamijka lagu tarbiyaynayo oo ah mid Aakhiradiisa iyo Adduunkiisaba anfacaya , loona duceeyo .
Waxaa Agoonka la raaciyay oo isna Muslimiinta gacanqabad uga baahan ilmaha labadiisa waalid ama midkood uu qabo cudur joogto ah ama isfuraan ama aabihii Jihaad ku maqanyahay.Waxyaabaha hagaajiya tarbiyada Agoonka qayb weyna ka qaata waxaa kamid ah inuu dareemo amni inuu helo cid booskii Waalidka ubuuxisa , inuu la qabsado deegaanka uu ku noolyahay iyo bulshada uu la noolyahay. Sidoo kale waxaa tarbiyada Agoonka kaalin muhiim ah ka qaata walaalkiisa ka weyn waase hadduu leeyahay shakhsiyad adag iyo tarbiyo wanaagsan , hooyaduna waa inay kaashato wiilkeeda weyn ama awoowaha Agoonka ama Abtigiis waana inay udhiibto oo wax kasiiso talada Agoonkeeda . Hadaba waxaa jira arimo damaanad qaadaya haddii alle idmo hagaajinta tarbiyada Agoonka iyo dareenkiisaba :-
1- In qofka ilmaha haya uu yahay qof firfircoon , reer magaal ah mas,uulna ah , fahmi kara rabitaanka , dhaqamada iyo shucuurta kala duwan ee Agoonta , isla markaana qancin kara isagoo iska ilaalinaya inuu qaarba si ula dhaqmo . 2- In fursad loo siiyo Agoonka inuu dheeho ama dhexgalo ciyaalka kale waa hadduu gurigooda kali ku yahay , waana in laga ilaaliyo wax maskaxdiisa ( dareenkiisa ) ka weyn , isla markaana waa inaan dhaliilihiisa mar walba hortiisa laga sheegin. 3- Markay kala tagaan labada Waalid waxyaabaha tarbiyada ilmahooda hagaajin kara waxaa kamida uguna horeeya inay labadoodu isxushmeeyaan wax kastoo dhexdooda yaalana ilmohoodu dareemin ilmahaasi wuxuu barbaarayaa isagoo dhinac walba ka dhisan oo bilaa cuqdad ah ciyaalka kalana la mid ah .
Ugu dambayntii qof kastoow ogoow ilmaha Aakhiradaada iyo Adduunkaagaba ku anfacaya waa midkaad tarbiyo wanaagsan siisay oo aad ku dadaashay barbaarintiisa dhinac walba .
Bahda alrisaala.com
|