SABUULADA KHAYRKA TARMIYA
( SADAQADA IYO SAY U FARCANTO )
Muslimka Illaahay gacantiisa wax galiyayoow wax walba ka hor ogoow in maalka ilaahay leeyahay adoomahiisana u dhiibtay uuna fiirinayo hadba waxa ay usameeyaan kadibna iyagoo hortiisa taagan qiyaamada uu waydiin doono laba su,aalood :-
1- xagee ka tabacday xoolahaan ?
2- xagee ku bixisay xoolahaagii ?
hadaba qofkii ka tabcay xoolihiisa meel xalaal ah, kuna bixiyay meel xalaal ah waa laga ajar siinayaa tasarufkiisa wanaagsan waxayna ka mid tahay arintaasi sababaha lagu liibaano waxaana waajib ku ah hadduu liibaan doonayo inuu waxbixiniisa ku ilaaliyo meesha Illaahay jecelyahay in wax lagu bixiyo. Laakiin qofka taalidkeeda(caksigeeda) sameeya aakhiro iyo aduunba waa khasaaray .
SADAQADA IYO FAA,IIDOOYINKEEDA
Sadaqada iyo faa,iidooyinkeeda waxaan ku soo koobaynaa sagaal qodob oo kala ah :-
1- Sadaqadu waa shay sare qofkeedana way saraysiisaa , maxaa yeelay sadaqadu waxay kamid tahay acmaasha Illaahay ugu jecel yahay waxaana daliil u ah xadiiskaan oranaya : ( camal la qabto Illaahay wuxuu ugu jecelyahay mu,amin laga farxiyo sida in dayn laga bixiyo , gaajo laga bi,iyo , ama kurbo kale oo haysa laga dulqaado).
Cumar Binu Khadaab R.C . wuxuu yiri ( sadaqada waxay ufaantaa acmaasha kale oo waxay dhahdaa anaa idiinkugu fadli badan ) , Illaahayna xadiisul qudsi wuxuu ku yiri ( banii aadamow wax quudi waalagu quudine ) , sidaa darteed walaalkayga muslimka ah waligaa gacantaadu ha,ahaato midda sare ee wax bixisa ee sharfan , yaysan noqon midda hoose ee wax la siiyo ee xaqiran ( baahan ) .
2- Sadaqadu qofka wax sadaqaysta waxay ka ilaalisaa balaayada iyo kurbooyinka . arintaas baraatik ahaan ayaa loo arkay adilo cadaysayna way jirtaa waxaana kamida xadiiskaan ( sadaqadu waxay horjoogsataa 70 meelood ama dhinac oo qofka xumaan uga soo socotay ) . , dhacdo layaab leh :-
* Ninbaa todobo sano la il darnaa dhaawac jilibka uga yaalay dhakhaatiirtii oo dhanna waxba way ka qaban waayeen kadibna wuxuu dhibaatadiisa usheegay c/laahi binu mubaarak wuxuu kula taliyay ninkii : inuu meel dadka ku nool biyo ubaahanyihiin ceel uga qodo , wuxuuna yiri c/laahi waxaan rajaynayaa in ceelkaas il biyo ah ka soo burqato sadaqadaas awgeedna dhiigu kaa joogsado .
* Qisadaan kalana waxay wajiga nabro waaweyn kasoo yaaceen sheekhii la dhihi jiray abuu cabdullaahi oo qoray kitaabka ladhoho ( al-mustadrik ) wuxuu la xanuunsanaa dhaawacyadaas mudo ku dhow hal sano in badanna waxaa uduceeyay ahlu khayrka kumase bogsan wakhti dambe ayuu gurigiisa hortiisa muslimiinta uga qoday meel biyaha lagu shubo oo ay ka cabaan hal usbuuc intuusan dhamaan ayuu caafimaaday wajigiisiina noqday markuu waligii ugu quruxbadnaa .
* Qisadaan kalana malakul jibriilbaa uyimid Nabi Yacquub c.s wuxuuna ku yiri ( mataqaanaa sababta aad u indha beeshay dhabarkaaguna usoo gotay , yuusuf walaalihiina usameeyeen waxay sameeyeen ? sadexdaa su,aalood ayuu weydiiyay , jibriilbaana ka jawaabay su,aalaha .oo wuxuu yiri :
waxaad qalateen neef ariya kadibna waxaa idiin yimid miskiin agoona oo sooman waxna maydaan ka siin ) .
markaad isku fiiriso ciwaanka lambarka 2aad iyo qisooyinka aynu keenay , maxaa kuu soo baxay akhristow ?
3- Waynaanta ajarka sadaqada iyo in la jibaarayo ajarka sadaqada , Allaah subxaanah dadka wax sadaqaysta sadaqadooda wuu ubarbaariyaa wuuna ujibaaraa ajarkeeda wuxuuna dadkaas siiyaa darajaad sare , aayaadka cadaynaya in dadka sadaqada labaxa loo jibaarayo waxaa kamid ah aayaddaan oo ka mida ah suuratul al-xadiid lambarkeeduna yahay 18 , waana kan macnihii aayaddu : ( Ragga iyo Dumarka wax sadaqaysta camalkoodana janada ilaahay ku raadsada waa loo jibaari sadaqadooda waxayna leeyihiin ajar weyn ) . Waxaa kaloo Alle yiri : Dadka xoolohooda meel ilaahay jecelyahay ku nafaqeeya waxay bixiyaan wuxuu lamid yahay xabad raashina oo dhashay todobo sabuul , sabuulkastana uu dhalay boqol xabbo , xaasilkuna waa 700 oo xabo ( 100x7 = 700 ) , saasoo kale iyo kabadan ayuu Illaahay kuugu tarminayaa waxaad meel fiican ku baxsato aayadda mas,aladaan ka hadlaysa waxay ka mid tahay suuratul al-baqarah aayadda 261 , wuxuuna Illaahay aayadda ku dhameeyay in cidduu doono camalkeeda ulaalaabayo . sidoo kale Nabigu c.s.w. wuxuu yiri ( qofkii sadaqo xalaala la baxa Illaahay wuu u barbaariyaa ilaa ay le,ekaato buur ) .
qiso macaan :- Saxaabiga la dhaho Abii Mascuud al-Ansaari ayaa wuxuu yiri nin baa Nabiga S.C.W ula yimid hal hogaan madaxa uga xiranyahay wuxuuna yiri ninkii hashaan Illaahay dartiibaan ula baxay rasuulkuna c.s.w. wuxuu ugu jawaabay ( maalinta qiyaamo hashaan sababteed waxaad ku helaysaa 700 oo halaad oo dhamaantood hogaan ku xiran yahay ) . Hadaba walaalkayga khayrka jecelow sadaqa tarminta intaas le,eg adiga lagaama xigee ogow .
Sidoo kale yaxye binu mucaad wuxuu yiri : ( magaranayo xabad raashina oo buuraha aduunyada la culaysa oo aan ahayn midda sadaqada loo bixiyo ) . Allaahu akbar illeen Illaahay subxaanahu watacaalaa ayaa wax tarmin leh , bulaalin leh , barakayn leh , waxaana ka faa,iidaysan doona Muslimiin badan ee ka mid noqo .
4- Sadaqadu waxay baabi,isaa gafka , dunuubtana waa lagu dhaafaa , Illaahay subxaanahu watacaalaa sadaqada wuxuu ka dhigay sabab lagu dhaafo , macaasida lagalay , iyo gafafka la galay , iyo dhacdooyinka aan loo qasdin , adilada arintaas cadaynaysa waxaa kamid ah aayadda lambarkeedu yahay 114 ee suuratel huud , macneheeduna yahay ( wanaaga la sameeyo wuxuu baabi,iyaa kexeeyaana meeshana ka saaraa xumaanta ) . Sidoo kale wuxuu yiri nabigu c.s.w. ( wax sadaqaysta timir jeexeedna ha ahaadee maxaa yeelay sadaqadu gaajada way tirtaa dambigana way ba,isaa , sida biyuhu dabka udamiyaan ) , waxaa kaloo nabigu c.s.w. yiri ( haddii ninka musiibo uga dhacdo xaaskiisa maalkiisa ilmihiisa iyo dariskiisa waxaa looga baxaa fidnadaas , salaad iyo sadaqo , iyo umaddoo wanaag loo sameeyo ) xadiiska waxaa wariyay bukhaari . waxaa kaloo nabigu c.s.w. yiri ( dadka ganacsadoow shaydaanka iyo dambigu waxay soo xaadiraan goobta beeca ee beeciina sadaqo ku barxa ), micnaha wax sadaqaysta si wixii khaladaada oo shaydaanku beeca idiin dhex galiyo meesha uga baxo , sida laqwiga , dhaarta ,iwm walaale macaame haddii Illaahay udambi dhaafay qof waraabiyay eey ooman , maxaad umalayn inuu helayo qofkii waraabiya muslim haraadsan , ama dhargiya muslim gaajaysan ama maro u xira muslim aradan balse ka waran hadduuba agoon yahay , shaki kuma jiro inuu helayo ajar buuraha le,eg , saaxiibkagya dhabta ahow waxaan ku leeyahay yaan lagaa badin ee ka faa,iidayso fursadaas .
5- Sadaqada xoolahay barakeysaa rizqigana waa lagu waa siciyaa , sadaqadu xoolaha waxay ka xifdisaa aafooyinka fasahaadka waxayna sabab u noqotaa inuu bara koobo tayana yeesho Illaahayna ka dhigo kuwo nacfigoodu joogto noqdo wixii laga bixiyana badalkooda la helo . adilada arintaas cadaysay waxaa kamid ah aayadda lambarkeedu yahay 39 oo kamid ah suuratul saba , macneheeduna yahay ( wax kastoo nafaqaysaan ilaahay badalkiisuu idin siinayaa cid wax quudisana isagaa ufiican ) . Nabigu c.s.w. wuxuu yiri ( ninkastoo sadaqo bixiya ama qaraabadiisa xiriiriya Illaahay labadaas arimood awgood waxbuu ugu badiyaa ), sidoo kale Nabigu c.s.w wuxuu yiri ( subax walba malagbaa wuxuu dhahaa Alloow qofkii wax nafaqeeya badalkiisa sii , malag kalana wuxuu dhahayaa allow qofkaan waxba nafaqaynin wax la,aan dhig ). Hadaba walaal aan ka mid noqono dadka malaa,igtu uducayso . qiso macaan oo nabiga c.s.w. laga wariyay :- Nabigu c.s.w. wuxuu yiri ( ninbaa isagoo meel lama dagaana maraya ayuu daruur ka koraysa ka maqlay dhawaaq , dhawaqaasi wuxuu leeyahay daruureey waraabi beerta hebel kadibna daruurtii waxay aaday xaga beertii waraabi la yiri kadibna way waraabisay , waxaana arkay buu yiri ninkii dhawaaqa maqlay , dooho dhan oo biyo ka buuxaan oo biyuhu dhinacyada uga fatahayaan islamarkaasna waxaan beerta dhex taagan nin biyaha fatahaya badeel ku celcelinaya ama ku moosaya waxaana ku iri magacaa ) ? wuxuu iyiri hebel mise waa magacii daruurta looga dhex yeerayay ninkii beerta lahaa baa yiri oo maxaad magacayga ii waydiinaysaa? ninkii wuxuu u sheegay hadalkii uu maqlay,Hadaba ninkii beerta lahaa wuxuu yiri:-waxaan fiiriyaa waxa kasoo baxa beertayda kadibna waxaan u qaybiyaa sadex meelood oo is le,eg : meel aniga iyo ciyaalkaygaa quudana , meelna waan sadaqaystaa meelna beertaan dib ugu kharash gareeyaa , hadaba muslimka khayrdoonka ahow indhahaagaa kuu macalina . fiiro gaar ah :- waxyaabaha baraatig ahaan loo arkay waxaa kamida in siduu adoonku wax ubixiyo ilaahayna wax u siinayo hadduu isku yareeyo waa loo yarayn , hadduu wax bixinta badiyana isna Illaah ayaa wax siinta ubadinaya . arimahaan aan soo sheegnay waxyaabaha ka markhaati kacaya waxaa kamid qisadaan soo socota oo caa,isha laga wariyay waana tan qisadii ( caa,isho R.C. oo sooman ayaa waxaa uyimid miskiin baryootamaya gurigeedana waxaa yaalay xoogaa kibis ah kaliya , khaadimaddeedii , bay ku tiri sii miskiinka kibista inoo taala , khaadimaddii waxay tiri caa,ishooy wax kale oo aad ku afurto kuuma yaalo , caa,isho R.C markalay amar ku bixisay inay iiso miskiinka kibista wayna siisay , caa,isho R.C. waxay tiri markaan casarkii joogno ayaa neef ariya oo hadiyad ah naloo keenay markaasay khaadimaddii ku tiri cun kaan bixinay kanaa ka fiicane . hadaba khayr doonow indhahaagaa kuu macalina maskaxda iyo maankana ka shaqaysii .Walaale ogoow arintu wax bixi oo kaliya inaysan ahayn ee waxaa lagaaga baahan yahay inay jirto kalsooni aad ilaahay ku qabto aadna yaqiinsantahay in Illaahay waxaad bixisay badalkiisa ku siin doono , hakuu soo dadajiyo ama hakaa daahiyee .
6- Sadaqadu waxay qofka baxsada ka ilaalisaa dhibaatooyinka waana wado kamid ah wadooyinka loo maro janada . Sadaqada lagu bixiyo meelaha Illaahay raaliga ka yahay waxaa adoonka baxsaday looga fakiyaa ( looga badbaadiyaa ) dhibaatooyinka , xataa markuu cadow ugacan galo , bal ila akhri walaalkayow qisadaan naxdinta iyo farxadda labadaba leh waana tan qisadii :- ninbaa waxaa qafaashay cadow markaasay isku xireen gacantiisii iyo surkiisa si ay madaxa uga jaraan halkaa markuu xaal marayo ayuu ninkii cadowgii ku yiri nimanyahoow wax kasta oo aad iga doontaan waan idin siinayaa ee isii daaya oo ha idilinina wayna ka yeeleen hadaba walaale sasoo kale ayay sadaqadu dhibaatooyinka kala duwan ee aduunka iyo kuwa aakhiraba kaaga badbaadinaysaa , waana dhinaca qisadu farxadda ka leedahay xadiisbaa saas u sheegay ee yaan lagaa badsan . waxuu nabigu c.sw. yiri ( dadka xoolaha badan way halaagsameen illaa qof midig bidix iyo horayba ka baxshaba mooyee wayna yaryihiin kuwa saas yeela ) , sidoo kale wuxuu yiri nabigu c.s.w. ( idinka iyo naarta dhexdiina xijaab yeela timir jeexeedba ha ahaadee ) . sadaqadu waxay ka mid tahay asbaabta qofka ka ka xaysa khoofka , walaaca , argagaxa , iyo daganaansho la,aanta . adilada arintaas cadaysay waxaa ka mid ah aayadaan lambarkeedu yahay 274ee suuratul al-baqarah , macneheeduna yahay kuwa ( xoolahooda nafaqeeya habeen iyo maalinba si qarsoodi ah iyo si muuqataba ilaahay agtiisa waxay ku leeyihiin ajar weyn baqdin , tiiraanyo , iyo cabsina ma arki doonaan ) fiiro gaar ah :- waxaa su,aala sadaqadu goormay ufadli badantahay ? sida culimada islaamka qaarkood sheegeen sadaqado lala boxo waxay ufadlibadan tahay labo wakhti – a- bisha ramadaan . b- xili kasta oo baahi weyn jirto . hadaba walaal ka midnoqo deeq bixiyayaasha aduunka waxaad bixinaysana haba yaraadeene .
7- Sadaqadu waxay calaamad utahay qofka bixinaya iimaankiisa iyo yaqiintiisa dhanimadooda iyo inuu ilaahay malo fiican ka aaminsanyahay ,waxaa jira laba arimood oo basharka lagu abuuro :- a- xoolo jacayl . b- amaan jacayl . hadaba markay naftu ogolaato inay bixiso wixii jacaylkiisa lagu abuuray waxay taas xujo cad utahay in adoonkaasi iimaankiisu sareeyo uuna rumaysanyahay balanqaadka ilaahay ubalanqaaday ciddii waxbaxsata inuu badal siinayo . sadaqada oo laga tago iyada oo qof kabaqayo wax yaraan taasi waxay cadaynaysaa kalsooni darada qofku ilaahay kaqabo saas waxaa yiri imaamu qurdubi .
8- Sadaqadu waxay nafta ka saafi garaysaa sifooyinka liita waxayna huwisaa sifooyinka sare , sadaqadu waxay nafta ka dahirtaa ama ka ilaalisaa in badan oo ka mida talooyinka shaydaanka iyo dhamaan sifooyinka xunxun sida bakhalynimada , isla weynida , sida kibirka iyo dadka oo loofaano , intaas lidkeeda sadaqadu waxay dhistaa akhlaaqda nafta ruuxa , waxayna nafta ku tababartaa oo caado ooga dhigtaa deeqda iyo in dadka kale wax loo huro waxayna ka mid tahay waxyaabaha qofku naftiisa kaga adkaado , waxayna kor usoo qaada waxa uu qofku jecelyahay , ee wanaaga ah ,shaydaankana way af jabisaa , qofkana waxay ku xirtaa aakhiro aduunyadana wey nacsiisaa . waxaasoo sifooyina ee aynu soo sheegnay waxaan udaliishanayna aayadda lambarkeedu yahay 103 ee suuratul al-towbah , waana tan ( ka qaad xoolohooda sadaqo aad kala dahirayso dunuubta iyo akhlaaqda xun aadna ugu yeerayso sifaadka iyo dhaqamada wanaagsan oo dhan ) , haddaba walaal yaan lagaa badsan sadaqada .