Ku soo dhawaada walaalayaal websiteka  Alrisaala.com

Maqaal

   

                        Fadliga laga helo daryeelka Agoonta

 Walaalayaal salaan ka dib,mahad oo dhan Illaahay baa iska leh, isaga ayaan u mahad naqaynaa, isaga ayaan gargaar weydiisanyanaa, isaga ayaan dambi dhaaf weydiisanaynaa, isagaan u toobadkeenaynaa,isagana ayaan kamagan galeynaa ciqaab innagaga timaadda xummaanta ay nafaheennu kasbadeen, iyo camallada xun xun ee aynu samaynayno. Qofka Illaahay hanuuniyo ma jirto cid kale oo lumin kartaa, qofka lumana ma jirto cid kale oo hanuunin kartaa. Waxaan caddaynayaa in aanu jirin Illaah xaq lagu caabudaa Allah mooyaane, waa keligii mana laha wax lala caabudo. Waxaan kale oo aan caddaynaynaa in Nebi Muxammad (S.C.W) uu yahay Addoonkii iyo Rasuulkii (ergeygii) Illaahay.

Intaas ka dib waxaan mar labaad leenaha, Ilaahoow aday mahad kuu sugnaatay Adduun iyo Aakhiraba marka sadexaad waxaan mahad iyo duco u diraynaa qof kasta oo ka qayb qaata taakulaynta dadka dhibaataysan meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan agoonta.

Walaalayaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin inta gacanta weyn ka geysata taakuleynta Agoonta Soomaaliyeed, meel kasta oo aad joogtaan anagoo idin xasuusinayna fadliga agoonta loo samo falayo, waxaan idin leenahay qof walba waa in uu Alle ugu dhowaado camalada wanaagsan ee uu samaynayo si gaar ah, u sama falka Agoonta,Alle quraankiisa wuxuu ku yiri:-

{وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا وَبِذِي الْقُرْبَى وَالْيَتَامَى وَالْمَسَاكِينِ وَالْجَارِ ذِي الْقُرْبَى وَالْجَارِ الْجُنُبِ وَالصَّاحِبِ بِالْجَنْبِ وَابْنِ السَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ مَنْ كَانَ مُخْتَالًا فَخُورًا} (النساء/ الآية 36).

"Caabuda Eebe hana la wadaajinina waxba,Labada Waalidna u wanaag fala,iyo Qaraabada,Agoonta,Masaakiinta, iyo Deriska qaraabada kula ah, iyo Deriska aan Qaraabada kula aheyn iyo Saaxiibka dhinaca, socotada(masaafurka) iyo Addoomaha ay gacantiinnu hanato, Eebana ma jecla cidda kibirka badan ee faanka badan.

Suuradda An-Nisaa: Aayadda 36

Walaalayaal Nabigu S.C.W wuxuu yiri:-Aniga iyo qofka agoonta taakuleeya jannada waxaan ku nahay sida labadaasi farood oo kale.(Nabigu scw wuxuu ku tilmaamay labadiisa farood ee murugsatada iyo fardhexaadka)".

Wariyey Bukhaari

Walaalayaal maanta waan ognahay baahida jirta marka walaal ku dadaal in aad ka qayb qaadato camalka lagu kaalmaynayo agoonta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,si gaar ah ganacsatada iyo cidii awooda in ay agoonta soomaaliyeed wax u taraan, Illaahay ha ka baqaan oo ha ka qayb qaataan camalkaas Islaamiga ah.

Walaalayaal waxaanu rabnaa haddii rabbi idmo in aan xareyno in ka badan 2000 agoon ah. Waxaa hadda loo dhisayaa dhul oo uu dhismihiisu dhexda marayo dhaqaale lagu dhameystirana aan loo hayn, dhulka la dhisayo cabirkiisuna waa 300x300m oo ku yaala kontroolka Galkacyo ee waqooyiga Magaalada.

Hadaba Hawshaas dhamaanteen aan ka wada qaadano,Illaahay waxan ka baryaynaa inuu dhamaanteen xaqa nawada waafajiyo Aamiin.Waxaan kaloo Illaahay ka baryaynaa in webkaan uu ka dhigo www.alrisaala.com dadka anfaca Adduun iyo Aakhiraba. Amiin,Aamiin,aamiin.


 

 

                            Bahda alrisaala.com

                   

02/10/2008

 
 


 
 

Designed by: maamulka@alrisaala.com