Warbixinta Agoonta
Qaybta 1aad
Agoonta Cumar Samatar (Galkacyo) waxaa ku xareysan Agoon, laga soo bilaabo 1993 ilaa hadda, Agoontaas waxaa wax siiya hay'adda Ixyaa atturath al islami,Kuwait,masaarifta Agoonta ay siiyaan waa todobo Dinar kuwaiti oo u dhiganta 21/23 USA Dollars.
Agoonta markii mid qaan gaaraba waxaa booskiisa soo gala mid kale, Agoontaas oo aad iyo aad u fara badan oo aan meel loo hayn oo dadku banaanada la taagan yihiin si looga qabto gobolkan oo ah kan ugu Agoonta badan. Hay'adu waxa ay siiso kuma filna Agoonta.
Agoonta hadda xareysanna waa ilaa 239 oo agoon ah, waxaanuna rabnaa haddii rabbi idmo in aan xareyno in ka badan 2000 agoon ah. Waxaa hadda loo dhisayaa dhul oo uu dhismihiisu dhexda marayo dhaqaale lagu dhameystirana aan loo hayn, dhulka la dhisayo cabirkiisuna waa 300x300m oo ku yaala kontroolka Galkacyo ee waqooyiga Magaalada.
Dhismaha aan ilaa hadda la dhamaystirin qabyana ah,waxa uu ka kooban yahay;1-Deyr dheer oo 250x200 mitir linear ah. 2-Dugsi 8 fasal ah. 3-Kushiin iyo saalo cunto oo qaada ilaa 300 boqol iyo bakhaaro.4-3 block oo jif ah qaadana ilaa 250 agoon qolalkii Macalimiinta iyo Musqulo 3 qaybood oo kiiba yahay 5 oo qubays iyo fadhi kala ah. 5- Masaajid 6-Xafiisyo Maamul oo hadda asaaskii loo xiray mudo gaabanna ku dhamaanaya,haddii rabbi idmo.7-Gudadka loogu tala galay Boosaneerka ee musqulhu qashinka ku shubaan oo block kasta ka qodan.8-Ceel 220 mitir ah oo160 biyo tahay.
Rasuulku S.C.W wuxuu yiri xadiis micnihiisu yahay Insaanku haddii uu dhinto camalkiisa oo dhan waa go,aa ilaa sadex mooyee:-
1- Sadaqa jaariyah/in aad ka qayb qaadatay ama kaligaa samaysay sida Masjid,Ceel,Guri masaakiin ama Agoon iwm,Beer masaakiinta ka cunaan iwm.
2.Cilmi laga faa,iidaysto sida kutubta la qoro, dad aad wax bartay iwm.
3- Ilmo Saalixiin ah oo u soo duceeya Waalidkood.
Weriyey Muslim
Walaalayaal baahidu wey badan tahay waayo boqolkiiba 20 baa qabsoomay, waxaana dhiman boqolkiiba 80kii kale, dhismaha Agoonta loo dhisayo, marka walaal dhamaanteen aan ka qayb qaadano dhismahaas, waayo wuxuu noo noqonayaa camalkaas sadaqo jaariyah insha Allaah.
Bahda alrisaala.com