Ku soo dhawaada walaalayaal websiteka  Alrisaala.com

Warbixinta Agoonta

 

                      Warbixinta Agoonta

                         qaybta 2aad  

G/kacyo oo ah magaalo madaxda gobolka mudug waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 150-200 kun .

Dadkaas oo inta badan ay ka mid yihiin dadkii soo bara kacay . waxaana noloshoodu ku tiirsantahay .

1 -xoolaha nool  2- ganacsi yar yar 3- kaalmo ay usoo diraan eheladooda dibadaha ku nool .

Dadkaas badan koodu noloshoodu waa ka hooseysaa heerka nolosha caadiga.

Kuleejka Agoota G/kacyo waxaa lagu aas aasay 250 wiil, taariikhdu markay ahayd 07/12/1993.

Agoontu waxay isagu jiraan kuwo labadii waalidba dhinteen iyo kuwa uu mid dhintay. Tiradaas oo ka mid ah tiro aad  u fara badan oo gobolka ku nool oo aan fursad u helin cid taa kuleesa .

Agoonta kuleejka ku jirta waxay da,adoodu u dhaxaysaa 6 jir-18 jir, waxayna kuleejka ka helaan jiif ,cunto iyo wax barasho hadba inta duruufta saamaxdo .

Mudadii uu furnaa kuleejka, waxaa lagu dadaalayay in ay ku dhameeyaan waxbarashada ilaa dugsiga sare iyo qur'aanka .

Ardadii muda daas ku dhameysay wax barashada waxa ay u qaybsameen sidan soo socota:

1- Kuwo fursad wax barasho jaamacadeed ka helay wadamada  Sudan, Masar, Yamen iyo jaamacadaha dalka somaliya ka jira.

2- Kuwo shaqo ka helay ganacsiga dadka gaarka ah leeyihiin.

3- Kuwo risboosaro dadka qaraabadooda ah uga soodireen wadamada reer galbeedka ah .

4-Kuwo aan wili helin fursadahaas hore oo wili nasiib sugayaal ah.

Tirada Agoonta hada kuleejka ka tirsan oo ah 250 wiil iyo hal gabar ah waxaa wax barashadoodu uqaybsantaa : 8 fasal oo ah fasalka 1 aad ilaa fasalka 8 aad oo gudaha kuleejka ku dhigta iyo labo fasal  oo dugsiga sare ee magaalad dhigta oo aan lacagta ka bixino .

Maadooyinka wax barashada ay ku qaataa waxaa ka mid ah:

1-Xisaab 2- Qaybaha sayniska 3-Taariikhda/ Juqraafi 4-Tarbiyada 5-Iyo luuqadaha Somali , Carabi , English .

SHaqaalaha hada kuleejka ka shaqeeya oo tiradoodu tahay 31qof oo isagu jira:maamul, macalimiin , murabiyiin, nadiifiye yaal iyo kariye yaal , wuxuu mushaarkoodu u dhexeeyaa  50__150$ qaymahaas oo maanta duruufta g/kacyo aad ugu yar , taasoo keentay in qofka qualityga leh uu katago oo uuraadsado meelo ka mushaar roon .

Waxaa kuleejku kaalmo ka helaa hay'ad samafal oo reer kuwayt ah iyo WFP iyo kaalmo yar yar oo teel teel ah ay ka helaan shaqsiyaad Soomali ah .

Fiiro gaar ah :

Sababta gabdhaha booskoodu u banaanyahay waa saad wada ogt ihiinba gabdhuhu waxay u baahan yihiin xanaano ka saa,id ah tan wiilasha iyo hoy u gaar ah taasoo ilaa iyo hada aan duruufta noo saamixin ,iyadoo wiilashana hada hoy kumeel gaar ah u yahay qeyb kamid ah dugsigii sare ee gobolka , taasoo ay ciriiri badan isku qabaan ardada kuleejka iyo ardada dugsiga sare dhigta .

waxaanse hada helnay dhul weyn oo wiilasha iyo gabdhahaba ku filan hadaan dhismo u helno , dhismahaas oo hada qal qaaladiisa aan ku jirno.

 

Cidda lagala xiriirayo arimaha Agoonta

 

Agaasimaha guud ee Agoomaha ama Jamciyadda SWS

Sh: Xuseen C/lle Cisman Tel: 476713980, Norwey

Email:husseinosman28@hotmail.com ama xuseen@alrisaala.com

 

Maamulaha Agoonta:C/risaaq Dahir Afrax Tel: 25290-756172

Email: sws3@hotmail.com ama maamulaha@alrisaala.com

 

 

 

             Bahda alrisaala.com

 

 

 
 


 
 

Designed by: maamulka@alrisaala.com