Warbixinta Agoonta
Qaybta 4aad
warbixin ku saabsan dhamaystirka dhismaha agoonta
Xarunta agoonta gaalkacyo oo si ku meelgaar ah u ahayd dugsiga sare ee cumar samatar waxaa labilaabay 7-12-1993 xaruntu ayadoo nolol daalaadhaca ku jirtay waxaa mudadii ay furnayd ka faaiidaystay arday badan oo agoon ah , qaarkood hadda waxay ka soo bexeen jaamacado , qaarna hadday dhigtaan jaamacado , qaarkalana ayagoo waxbarasho kala duwan leh bay waxay ka shaqeeyaan madaarista , shirkadaha , IWM .
Qaarna qurbaha ayay udhoofeen , qaarna suuqyada ayay ku baagamuudeeyaan .
Waxaan ooga jeednaa in beertii labeero miro kasoo baxayaan ee ay dadaal iyo dulqaad rabto ,
Anagoo ah maamulka kuleejka agoonta gaalkacyo waxaan amaan iyo ducaba udiraynaa intii ka qayb gashay , calaf , ciidan , iyo cadba , dhismaha xarunta wiilsha agoonta ah ee magaalada gaalkacyo , waxaan ilaah uga baryaynaa in uu wanaagooda jano ugu badalo , walaalayaal dhismaha hadda la dhisay waxaa loogu talagalay 240 wiil oo hadda kuleejka ku jira – jiifkoodii iyo fasaladii h/dhexe , hoolkii cuntada , masaajidka iyo xafiisyo , waxaana qaybtaan dhisan ka dhiman 4 fasal oo dugsi sare ah , foorno rooti , haantii sare ee shubka ahayd ee biyaha , walaalayaal meesha xarunta laga dhisay oo magaalada ka baxsan awgeed waxaa lagama maarmaan ah in macalimiinta oo awalba mushaarku ku yaraa loo helo guryo jiif oo ay dagaan haddii kale mushaarka ay hadda qaataan halkaa ku aadimayaan .
Walaalayaal waxay ilmuhu ubaahan yihiin basas xiliyada fasaxa lagu qaado looguna adeego .
Walaalayaal baahida caruurta agoonta ah madhamaanayso ee waxaan halkaan idinku soo gudbinaynaa waa waxyaalaha ugu waa weyn oo dhismaha ka dhiman .
Walaalayaal waxaa dayrkii qaar ka wareegsanyahay intii kalana dhimantahay dhismihii gabdhaha agoomaha ah kuwaas oo qaba baahida wiilasha mid ka daran waxayna sugayaan walaalohooda xilkaska ah ( xargo geel ma wada xajiyaan , macnuhuna waa xarig adag maahee xarig jilicsan geel mahayn karo ee waa uu goynayaa ) hawshaana qof adag oo wax goyn kara ayaa ka qayb qaadan kara , maanta anagaa nool barina waan dhimanaynaa marka inta aan noolnahay aan xusuusanno sida aan u jeclaan lahayn haddaan dhimano inaan caruurteenu dayacmin iyo sida aan ugu baahannahay ajar aakhiro oo naga sii horeeya .
Fiiro gaar ah :-
Walaalayaal 240 wiil ee agoonta ah ee aan hadda hayno marka labarbar dhigo agoomaha gobalka mudug oo kaliya oo kumayaal gaaraya dhibicbay ka noqonaysaa baahida agoomaha jira ee gurmad naga sugaya , kuwaas oo in kafaalo nololeed loo helo waxay ku xirantahay in marka hore loo helo deegaankii lagu hayn lahaa marka kafaalo la helo , alaha nawaafajiyee aan dadaalno inta dagaal jiro agoon lama koobi karee .
Haddaan tusaale idiin siiyo agoonkii nooloo keenay 1993 asagoo aabihii ladilay ayaa hadda ilmihiisii oo yaryar nooloo keenay asagoo asagiina ladilay , allaha u raxmadee , oo haatanbay liiska sugidda kafaalada ku jiraan ciddii faahfaahin intaa dheer ooga baahata hawlaha agoonta gaalkacyo hanagala soo xiriiraan taleefoonadaa :- 0025290756172
ama 0025290766690 , Ama Emailkaan :- sws3@hotmail.com.
Maamulaha agoonta gaalkacyo
C/rasaaq Daahir Afrax.
Bahda alrisaala.com