|
Waxaa maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug xaflad weyn oo aad loo soo agaasimay xafladdaas oo xariga looga jaray xarunta cusub ee loo dhisay agoonta Gaalkacyo kuwaas oo aan haysan markii hore hoy ayagoo 16 kii sano ee lasoo dhaafay dulsaar ku ahaa dugsiga sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo.
Xafladdaas sida weyn loo soo agaasimay waxaa kasoo qaybgalay dad ka kala socday maamulka gobalka mudug iyo kan magaalkada Gaalkacyo , xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland , culimaaudiin , ganacsato , nabadoono , odayaal , dhalinyaro , iyo dumar intaba .
Ugu horayn waxaa xafladda lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah waxaana akhriyay Jamaal Siciid Maxamed oo ka mid aha ardayda agoonta Gaalkacyo , intaa kadib waxaa hadalkii qaatay Maamulaha xarunta Agoonta Gaalkacyo C/risaaq Daahir Afrax , isagoo si faahfaahsan uga warbixiyay taariikhdii iyo marxaladihii ay soo martay xarunta Agoonta Gaalkacyo mudadii 16ka sano ahayd ee ay furnayd .
Maamulha kadib waxaa hadalkii qaatay Duqa magaalada Gaalkacyo , Cor : Axmad Cali Salaad asagoo u mahad celiyay dadkii muxsiniinta ahaa ee maalkooda ku bixiyay mashruucaan miro dhalka ah isagoo kusii bogaadiyay inay sii wadaan hawlahaas muhiimka ah ee ay uhayaan bulshadooda .
Intaa kadib Duqa magaalada Cor:Axmad Cali Salaad wuxuu hadalka kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha gobalka Mudug C/nuur Maxamuud Diiriye (Geesay) gudoomiyuhuna wuxuu balan qaaday in ay qaybta ka dhiman xarunta Agoonta Gaalkacyo oo ah afarta fasal oo dugsiga sare ah iyo waxyaalo kale oo ay Agoontu ubaahan yihiin ay xooga saari doonaan sidii loo heli lahaa wuxuuna sheegay in ay maamulka Puntland iyo Hay,adahaba kala kaashan doonaan dhamaystirka xarunta Agoonta Gaalkacyo.
Gudoomiyaha kadib waxaa lagu soo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka puntland oo matala gobalka Mudug waxaana kamid ahaa xildhibaanadaas xildhibaan C/wali Muuse Shire (Dhamuuke) oo kamid ahaa aas aasa yaashii iyo macalimiintii xarunta Agoonta Gaalkacyo.
Waxaa kaloo kamid ahaa xildhibaan Xaange .
Intaa kadib waxaa hadalkii qaatay kasoo qayb galayaashii xafladda.
Xafladu waxay kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan. |